Ugu yaraan saddex qof oo lagu dilay qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

Magaalo xeebeedka Boosaaso. [Sawirka: Maxamed Axmed/Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Ugu yaraan saddex qof ayaa lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay caawa oo talaado ah fiidkii gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso ee Puntland, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka iyo dadka deegaanka.

Qofka isa soo miidaamiyay ayaa isku qarxiyay bar kantarool ciidan oo ku dhow isgoyska Towfiiq ee gudaha Boosaaso, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Qaraxa ayaa sidoo kale sababay tiro kale oo dhaawac ah, sida saraakiil caafimaad oo jooga Boosaaso ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxa ilaa iyo hadda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*