Ciidamadda dowladda Soomaaliya oo gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtay afar dagaalyahan oo Al-Shabaab ah

Ciidamadda dowladda Soomaaliya oo gobolka Shabeellaha Hoose ku qabtay afar dagaalyahan oo Al-Shabaab ah. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada dowladda Soomaaliya ee jooga gobolka Shabeellaha Hoose ayaa qabtay afar dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab, sida uu sheegay sarkaal.

Cali Maxamed Aadan oo ah sarkaal booliis oo ku sugan degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ay ay qabteen afar dagaalyahan oo Al-Shabaab ah kadib howlgal ay sameeyeen ciidamada dowladda, sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka dowladda Soomaaliya ee Sonna.

Ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaan ka hadlin sheegashada ilaa iyo hadda.

Intii lagu guda jiray sanadadii dhawaa, ururka ayaa gacantiisa ay ka baxeen intooda badnayd meelo badan oo ay ku xooganayaaen oo kuyaala koonfurta, balse wali waxay sii wadaa weerarada dhimashada leh ee gudaha caasimada Muqdisho.

Ku dhawaad 40 qof oo shacab u badan ayaa lagu dilay weraro qarax gaari oo ay Al-Shabaab ka geysatay gudaha Muqdisho intii lagu jiray shantii maalmood ee u dambeeyay, sida saraakiil caafimaad oo jooga Muqdisho ay khadka taleefoonka ugu sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Warkan waxaa soo uruurshay Siciid Abshir Yuusuf oo katirsan warsidaha Puntland Mirror.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*