Ugu yaraan 10 qof oo ku dhimatay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday magaalada Baraawe

Ugu yaraan 10 qof oo ku dhimatay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday magaalada Baraawe. [Sawirka: Archive]
Ugu yaraan 10 qof oo ku dhimatay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday magaalada Baraawe. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan toban qof ayaa ku dhimatay kadib markii dagaalyahano katirsan ururka hubaysan ee Al-Shabaab ay xalay saq dhexe weerar ku qaadeen magaalo xeebeedka Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida ay sheegeen saraakiisha iyo dadka deegaanka.

Dagaal culus ayaa halkaas ku dhexmaray dagaalyahanada Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya ee jooga magaalada Baraawe, sida uu sheegay sarkaal katirsan ciidamada.

Cabdiraxmaan Rooble Jimcaale oo katirsan saraakiisha ciidamada Soomaaliya ee jooga Baraawe ayaa warbaahinta maxaliga ah ee gudaha Muqdisho u sheegay in dagaalka ay dhankooda kaga geeriyoodeen ilaa iyo saddex askari, lix kalena ay ku dhaawacmeen.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dagaalka ay ku dileen todobo maleeshiyo Al-Shabaab ah.

Sargaalka ayaa sidoo kale sheegay in mid kamid ah baabuurta dagaalka ee ciidamada dowladda lagu gubay dagaalka.

Dhanka kale, idaacada ku hadasha afka Al-Shabaab ee Radio Andalus ayaa sheegtay in dagaalka lagu dilay ilaa iyo 15-askari oo katirsan ciidamada dowladda, balse warkaasi ma cadda, iyadoo Al-Shabaab ay mar walba buunbuuniso khasaaraha dhanka dowladda.

Al-Shabaab ma aysan sheegin tirada dagaalyahanada laga dilay intii uu dagaalku socday.

Al-Shabaab ayaa ku xooganayd magaalada Baraawe kahor intaan ciidamada dowladda Soomaaliya kala wareegin dabayaaqadii sanadkii 2014-kii.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*