RW hore ee Soomaaliya Farmaajo oo Muqdisho tagay

Raysulwasaarihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi. [Sawirka: Twitter]
Raysulwasaarihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaarihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi ayaa maanta oo Talaado ah tagay caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

RW hore sidoo kale loo yaqaan Farmaajo ayaa soo dhaweyn diiran ka helay taageerayaashiisa Muqdisho.

Farmaajo oo warbaahinta hadal kooban siiyay, ayaa u mahadceshay sida loogu soo dhaweeyay Muqdisho, wuxuuna carabka ku dhuftay inuu filayo isbadal suuban oo dalka Soomaaliya ka dhaca doorashada soo socota.

Bishii June, 2011, ayuu xilka RW iska casilay kadib heshiis ka dhacay caasimada dalka Uganda ee Kampala, heshiiskaas oo u dhaxeeyay madaxweynihii xilligaas Shariif Shiikh Axmed iyo guddoomiyihii baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa ujeedadiisu ahaa in xilka laga tuuro Farmaajo.

Intii uu xafiiska joogey, shacabka Muqdisho ayaa u arkay inuu yahay mid u soo bandhigay rajada soo celinta nabada ee magaalada.

Hadda waxaa uu u tartamayaa madaxweynaha Soomaaliya, inkastoo murashaxnimadiisu aysan ahayn mid cusub marka loo fiiriyo doorashadii lasoo dhaafay ee 2012-kii oo uu ahaa murashax sidaan oo kale.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*