Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Itoobiya ay Puntland ka dhisi doonto labo mashruuc oo kaabaaysha dhaqaalaha ah

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Itoobiya ay Puntland ka dhisi doonto labo mashruuc oo kaabaaysha dhaqaalaha ah. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]
Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Itoobiya ay Puntland ka dhisi doonto labo mashruuc oo kaabaaysha dhaqaalaha ah. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta oo Arbaco ah dib ugu soo noqday caasimada Puntland ee Garoowe kadib muddo labo asbuuc oo uu safar ku tagay wadamada Itoobiya iyo Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa sheegay in Itoobiya ay Puntland ka dhisi doonto mashaariic kaabayaasha dhaqaalaha ah.

Cabdiweli ayaa sheegay in kulan ay la yeesheen Itoobiya loogu balanqaaday mashaariic dhanka kaabayaasha dhaqaalaha ah, kuwaasoo kala ah dhismaha garoonka diyaaradaha magaalada Gaalkacyo iyo wado laami ah oo isku xiri doonta Garoowe iyo degmada Eyl, waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in dhawaan la bilaabo doono labadaasi mashruuc.

“Aniga iyo wefti balaaran oo aan hoggaaminayey waxaanu muddo kooban ku maqnayn dalalka Itoobiya iyo Imaaraatka, halkaas oo aanu ka soo helnay guulo waa wayn, waxaana shacabka Puntland ugu bishaaraynayaa wadahadalkayagii aanu la yeelanay dalka Itoobiya waxaa nooga soo baxay in dhowaan la bilaabi doono dhismihii garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo iyo wado laami ah oo laga hirgelin doono inta u dhaxaysa Garoowe iyo Eyl,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiweli

“Waxaanuna ku rajo weynahay in ugu danbayn bisha May ee sanadkan ay bilaaban doonaan labadaasi Mashruucba.” Ayuu ku daray.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*