Daad ku fatahmay magaalada Qardho

Qof alaab ay biyuhu ka qooyeen uruursanaya gudaha Qardho. [Isha Sawirka: Facebook]
Garoowe-(Puntland Mirror) Daad ayaa ku fatahmay magaalada Qardho ee gobolka Karkaar kadib roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay halkaas.

Dadka deegaanka ayaa bog wareedka Puntland Mirror u sheegay in ay jirto khasaare kala duwan oo ka dhashay fatahaada uu sababay roobku.

Masuuliyiinta dowladda Puntland weli kama aysan hadlin khasaaraha ka dhashay fatahaada roobka Qardho.

Guryo dumay ayaa kamid ah khasaaraha ka dhashay roobka, sida ay sheegeen dadka deegaanku.

Roobka Gu’ga ayaa ka bilaabmay guud ahaan deegaanada Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*