Puntland iyo Galmudug oo ka wadahadlay iskaashiga amniga gobolka Mudug

Wasiiro katirsan Puntland iyo Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo. [Isha Sawirka: Facebook]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Wasiiro katirsan Puntland iyo Galmudug ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Kulanka ayaa looga wadahadlay sidii labada maamul ay isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagixisada iyo xoojinta ammaanka magaalada Gaalkacyo iyo gobolka Mudug oo dhan, sida lagu sheegay war-saxaafadeed lagu daabacay bogga Facebooka wasaaradda arrimaga gudaha Puntland.

Gaalkacyo ayaa asbuucyadii u dambeysay waxaa ka dhacay weeraro argagixiso oo isxig-xigay.

Weerarkii ugu dambeeyay oo ka dhacay Gaalkacyo bartamihii bishan May ayaa lagu dilay guddoomiyihii Puntland ee gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur, waaxana masuuliyada weerarkaas sheegtay maleeshiyada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*