Madaxweynaha dowladda Puntland oo dallacsiiyay saraakiil katirsan ciidamada Daraawiishta Puntland oo Itoobiya tababar kusoo qaatay

img_0113
Madaxweynaha Puntland oo darajada dallacsiinta garabka ugu xiraya mid kamid saraakiisha la dallacsiiyay. [Sawirka: Xafiiska warfaafinta madaxtooyada Puntland.]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Sabti ah dallacsiiyay lix sagaal oo katirsan ciidamada Puntland gaar ahaan ciidamada Daraawiishta, kuwaasoo tababar ciidan oo labo sanno ah kusoo qaatay dalka Itoobiya.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa shan kamid ah saraakiisha u dallacsiiyay labo xiddiglayaal halka mid kalena uu u dallacsiiyay hal xiddigle.

Madaxweynaha ayaa hadal ka jeediyay munaasabada dallacsiinta saraakiisha oo lagu qabtay guriga madaxweynaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa uga mahadceliyay saraakiisha sida ay u soo dhammaysteen tababarkii loo diray labo sanno kahor, wuxuuna kula dardaarmay in ay kasoo baxaan masuuliyada ka saran dadka iyo dalka iyo sidoo kalena ay ka qaybgalaan difaaca dhulka iyo dadka Puntland.

Dhankiisa, taliyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland, Janaraal Siciid Maxamed Xirsi oo loo yaqaan (Sciid Dheere) oo ka qaybgalay munaasabada dallacsiinta saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay usoo dhabar adaygeen tababar adag oo ay soo qaateen oo mudo labo sanno ah  uga socday kulliyadda Mojor General Hayllom Araya ee dalka Itoobiya, isla markaana wixii hada ka danbeeya laga sugayo in ay dadka iyo dalka ugu shaqeeyaan aqoonta ciidan ee ay soo qaateen.

Ciidamada Daraawiishta Puntland oo ah ciidan milatari ah ayaa la asaasay sanadkii 1998-dii oo ahaa xilligii la dhisay dowladda Puntland, mudadii ay jireen ciidamada ayaa waxay gobolada Puntland ka difaaceen cadowyo kala duwan oo duulaan kusoo qaaday.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*