Tirada dhimashada weerarkii suuqa Muqdisho oo gaartay 39

Tirada dhimashada weerarkii suuqa Muqdisho oo gaartay 39. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Tirada dhimashada weerarkii suuqa Muqdisho oo gaartay 39. [Xigashada Sawirka: Reuters]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Tirada dhimashada ka dhalatay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay suuq kuyaala gudaha magaalada Muqdisho ayaa gaartay 39 qof, sida ay sheegeen saraakiil caafimaad.

Qaraxa ayaa dhacay kadib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay gudaha loo gashay suuqa Kaawo-goday ee magaalada Muqdisho duhurnimadii shalay oo Sabti ahayd.

38 qof ayaa ku naf weyday weerarkaas, sida uu sheegay mid kamid ah howlwadeenada gawaarida gurmadka deg dega ah ee Muqdisho, oo ay soo xigatay wakaalada wararka Reuters.

“Waxaanu qaadnay ugu yaraan 39 qof oo meyd ah waxaa sidoo kale jirtay dhaawacyo aad u badan,” ayuu Reuters u sheegay Dr Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, oo ah madaxa gawaarida gurmadka deg dega ah ee Aamiin.

Sida ay sheegeen goobjoogayaashu, qaraxa ayaa dhacay intii lagu guday jiray saacadihii dukaamaysiga ee suuqa.

Intooda badan dadka dhintay ayaa ah rayid.

Ma jirto cid sheegatay weerarka shalay oo Sabti ahayd, balse Muqdisho ayaa aragtay weeraro badan oo dhimasho leh oo ay masuuliyadooda sheegatay Al-Shabaab intii lagu guda jiray bilowga sanadkan 2017-ka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*