Duqeymo kama dhicin Soomaaliya shan asbuuc, balse AFRICOM ayaa sheegaysa in la dagaalanka Al-Shabaab uu socdo

Ciidamada Mareykanka. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaan wax duqeyn ah ka geysan gudaha Soomaaliya shantii asbuuc ee u dambeeyay.

Balse afhayeenka AFRICOM kornayl Chris Karns ayaa sheegay in xilli roobaadyada ay isbadalaan howlaha maleeshiyada Al-Shabaab.

“Mar walba dadaaladu waa ay jiraan, maahan se markasta fursado lagu qaado duqeymo. Dhab ahaantii ma jirto wax la joojiyay.” Ayuu yiri.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Mareykanka ee gudaha Soomaaliya ayaa dhacay 10-kii April, xilligaas oo ku beegnayd markii uu bilaabmay xilli roobaadka Gu’ga.

Weerarada cirka ayaa siyaasaday sanadihii u dambeeyay, taasoo qeyb ka ah dadaalada ciidamada Soomaaliya ay kula dirirayaan maleeshiyada Al-Shabaab, oo dhowr iyo toban sanno dagaal ka wada dalka.

Intii lagu guda jiray sanadkan, Mareykanka ayaa gudaha Soomaaliya ka fuliyay ku dhawaad 40 duqeymood oo ka dhan ahaa maleeshiyada Al-Shabaab, oo laga dilay tobanaan dagaalyahan.

Inkastoo duqeymuhu ay socdaan, Al-Shabaab ayaa weli awooda in ay weeraro waa-weyn ay ka fuliso gudaha Soomaaliya iyo wadamada deriska sida Kenya, halkaas oo ay bishii Janaayo ku dishay saddex Mareykan ah kadib weerar ka dhan ahaa saldhig ciidan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*