Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Talaado ah ka degay magaalada Muqdisho, taasoo noqoneysa safarkiisa kowaad ee ku tago caasimada Soomaaliya tan iyo markii uu xafiiska qabtay bishii Janaayo 2019.
Madaxweyne Deni ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.