Ciidanka PSF oo afar miinada wadada lagu aaso ah ku burburshay gudaha Buuraha Galgala

Miino ay burbursheen PSF. [Sawirka: Facebook/psf]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidanka Difaaca Puntland ee PSF ayaa afar miinada wadada lagu aaso ah ku burburshay gudaha Buuraha Galgala, PSF ayaa bayaan ay soo dhigtay Facebook-ka ku sheegtay maanta oo Axa ah.

PSF ayaa bayaanka ku sheegtay in miinooyinka la burburshay lagu aasay wado kutaala deegaanka Bali-khadar ee Buuraha Galgala, halkaas oo ciidamadda Puntland kula dagaalamayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Bishii December ee 2017, khabiir miino saaris oo katirsanaa Puntland, Korneyl Cusmaan Abshir Cumar ayaa lagu dilay isaga oo isku dayaya in uu qarxisada ka saaro miinada wadada lagu aaso gudaha Buuraha Galgala, maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkaas.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*