Taliyaha booliiska gobolka Nugaal oo shaqada laga ceyrshay

Taliyaha booliiska gobolka Nugaal Faarax Galangooli. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa shaqada ka ceyriyay taliyaha booliiska gobolka Nugaal Faarax Galangooli, sida lagu sheegay digreeto kasoo baxday xafiiska madaxtooyada maanta oo Isniin ah.

Madaxweynaha ayaa si kumeelgaar Janaraal Muxiyadiin Axmed Muuse ugu magaacabay taliyaha booliiska gobolka Nugaal, sida lagu sheegay digreetada.

Waa masuulkii labaad oo katirsan gobolka Nugaal oo uu madaxweynuhu xilka ka qaado maanta. Guddoomiyihii gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroweyne ayaa xilka laga qaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*