Tobanaan qof oo laga cabsi qabo in ay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay Muqdisho

Qiiq cirka isku shareeray qarax markii uu dhacay. [Isha Sawirka: Reuters]


Muqdisho-(Puntland Mirror) Tobanaan dad ah ayaa laga cabsi qabaa in ay geeriyoodeen kadib markii labo qarax lala eegtay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ee Muqdisho maanta oo Sabti ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammaanka iyo caafimaadka.

Qaraxa kowaad ayaa lala eegtay wasaaradda halka kan labaad uu dhacay iyadoo gaadiidka ambulance-ka iyo dad ay isugu soo urureen goobta si ay u caawiyaan dadka ku waxyeeloobay qaraxa kowaad, sida ay sheegeen dad goobjoog ahaa.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa u dhaweyd isgoyska Zoobe, halkaas oo qarax weyn ay maleeshiyada Al-Shabaab ka geysatay sanadkii 2017 kaasoo dilay in ka badan 500 qof.

Muqdisho ayaa bilihii u dambeeyay wajahday weeraro dhimasho leh. Bishii August dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ayaa gudaha u galay huteel Xayaat kaasoo weerarkiisu uu socday ku dhawaad 30 saacadood, laguna dilay 21 qof.

Kumanaan Soomaali ah ayaa ku naf waayay weerarada arxan darada ah oo muddo ka badan 10 sanno ay waday kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, kaasoo la doortay bishii May, ayaa wacad ku maray in uu dagaal adag la geli doono maleeshiyada Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*