Madaxweyne Deni oo sheegay in uu aqbalayo baaqii baarlamaanka Puntland ee ahaa in uusan ka qeybgalin shirka Muqdisho

Madaxweyne Deni oo ka hadlayay munaasibada sanadguurada 60-aad ee xornimada Soomaaliya oo ka dhacday Gaalkacyo, 1, July, 2020. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu aqbalayo baaqii kasoo baxay baarlamaanka Puntland ee dowladda u sheegayay in aysan ka qeybgalin shirka Muqdisho.

“Waxaan soo dhaweynayaa baaqii ka soo baaxay baarlamaanka Puntland 29-kii June 2020, talodooda ayaan ku shaqeynayaa anuu tixgelinaya haayadaha dastuuriga ah ee Puntland.” Sidaa ayuu yiri Madaxweynuhu, isagoo ka hadlayay  sanadguurada 60-aad ee xornimada Soomaaliya oo xalay lagu qabtay madaxtooyada Puntland ee magaalada Gaalkacyo.

Isniintii, baarlamaanka Puntland ayaa dowladda ugu baaqay in aysan ka qeybgalin shirka Muqdisho oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubna ka ah Federaalka.

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya 25-kii bishan June ayaa Madaxweyne Farmaajo uu ku casumay madaxweynayaasha maamul goboleedyada in ay ka soo qeybgalaan shir ka dhici doona Muqdisho bilowga bisha soo socota.

Ajandaha shirka ayaa noqon doona sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*