Soomaaliya oo moos tayadiisa la hubiyay dhoofisay markii ugu horeysay ku dhawaad 30 sanno

Xirmooyin mooska Soomaaliya ah. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah moos u dhoofisay dalka Sucuudi Caraabiya markii ugu horeysay muddo sannooyin ah, sida uu sheegay wasiirka beeraha.

Siciid Xuseen Ciid oo ah wasiirka beeraha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in mooska la dhoofiyay la hubiyay tayadiisa uuna buuxiyay shuruudaha mooska adduunka loo dhoofiyo, isaga oo intaas ku daray in Turkiga uu noqon doono suuqa labaad oo loo dhoofin doono mooska.

Mooska maanta loo dhoofiyay dalka Sucuudi Caraabiya ayaa la sheegay in uu yahay labo kunteendhar.

Mooska ayaa mar ahaa waxa ugu weyn oo ay Soomaaliya dibada u dhoofiso kaasoo dalku uu ka heli jiray lacag dhan $90 milyan sanadkii, balse waxa uu joogsaday markii dalku uu ka qarxay dagaalkii sokeeyee sanadkii 1991.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*