New York Times cod-taleefoon oo ay heshay oo muujinaya in Qatar ay ka dambayso qarax ka dhacay magaalada Boosaaso

Safiirka Qatar ee Soomaaliya Hassan bin Hamza Hashem. [Isha Sawirka: Twitter]
Garoowe-(Puntland Mirror) Warbixin uu daabacay wargeyska New York Times Isniintii ayaa lagu sheegay in ay heleen cod taleefoon oo muujinaya in Qatar ay ka damabayso qarax ka dhacay magaalo xeebeedka Boosaaso ee Puntland.

Codka taleefoonka ayaa u dhaxeeyay safiirka Qatar ee Soomaaliya iyo nin ganacsade ah oo caan ah oo u dhashay dalka Qatar kaasoo sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab oo matalaysa Qatar ay ka dambeeyeen qaraxyo ka dhacay Boosaaso bishii May ee sanadkan si loo waxyeeleeyo Imaaraatka Carabta danahiisa gobolka.

“Qaraxyada iyo dilalka, waanu naqaan cida ka damabysa,” ganacsadaha oo magaciisa la dhaho Khalifa Kayed al-Muhanadi ayaa sidaa ku yiri codka taleefoonka oo ahaa 18-kii bishii May, asbuuc yar kadib markii qarax uu dhacay.

Carqalada ayaa ujeedadeedu ahayd si dadka Imaaraatka Carabta ay halkaas uga cararaan, ayuu yiri. “Imaartaaka aynu halkaas ka saarno, sidaa darteed ma ay cusbooneysiin doonaan heshiis ay la galaan iyaga waxaan heshiiska halkaan aan siin doonaa Doha, ayuu yiri.

Khalifa Kayed al-Muhanadi ayaa ah ganacsade caan ah oo aad ugu dhow Amiirka Qatar Tamim bin Hamad al-Thani. Waxaana uu marar badan la galay safaro, sida ay ku warantay New York Times.

Wareysi kooban oo New York Times ay la yeelatay, safiirka Soomaaliya ee Qatar Hassan bin Hamza Hashem ayaa qaadacay in uu yaqaano ganacsade al-Muhanadi.

Haddii qaraxa Boosaaso uu ujeedkiisu ahaa ceyrinta Imaaraatka, ma uusan ahayn weerarkii kowaad oo halkaas ka dhacay oo ka dhan ahaa danaha Imaaraatka.

Bishii Febaraayo ee sanadkan 2019, nin hubaysan ayaa toogasho ku dilay maamulihii dekada Boosaaso ee shirkada DP World, oo Imaaraatka Carabta leeyahay, taasoo heshiis la gashay dowladda Puntland sanadkii 2017.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masulliyada dilkaas, iyaga oo sheegay in ay u dileen maamulaha sababtoo ah shirkad Imaaraatku leeyahay oo qabsatay dekada Boosaaso.

Labbo sanno kahor, xulufo uu hoggaminayo Sucuudi Caraabiya oo Imaaraatka Carabta ku jiro ayaa xiriirka u jaray Qatar, iyaga oo ku eedeeyay in ay taageerto ururada argagixisada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*