Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland oo qaabilay maalgashadayaal ka socda Shiinaha

Madaxweyne ku xigeenka oo xafiiskiisa ku qaabilay maalgashadayaal ka socda Shiinaha, Garoowe, Nov 28, 2019. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne Ku Xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cusmaan ayaa maanta oo Khamiis ah xafiiskiisa ku qaabilay maalgashadayaal ka socda dalka Shiinaha.

Maalgashadayaasha u dhashay Shiinaha ayaa ka socda shirkadda U-TON HONG KONG, waxayna Puntland u yimaadeen si ay u maalgashtaan xoolaha nool, kalluunka iyo sidoo kale koronto laga dhaliyo ilayska qoraxda, sidaa ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada.

Axmed Cilmi Cusmaan ayaa maalgashadayaasha u sheegay in dowladda Puntland ay soo dhaweynayso maalgashadayaasha doonaya in ay maalgooda geliyaan Puntland.

Bartamihii bishii September ee sanadkan magaalada Garoowe ee caasimada Puntland ayaa lagu qabtay shir maalgashi oo ahaa kii ugu horeeyay ee la qabto, shirka oo ay ka soo qeybgaleen ganacsato maxali ah iyo kuwo ajnabi ah ayaa lagu balanqaaday $464 milyan oo dollar oo maalgashi ah oo laga sameynayo Puntland sanadaha soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*