Ugu yaraan afar qof oo lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan afar qof oo lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar qof ayaa lagu dilay qarax gaari oo ka dhacay gudaha Muqdisho galabta oo Arbaco ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah.

Gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa lagu qarxiyay banaanka hore ee makhaayad ku dhow dekada Muqdisho, sida ay ilo-wareedyo sheegeen.

In ka badan sideed qof ayaa ku dhaawacantay qaraxa, saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay.

Ma jirto koox ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyada qaraxa, balse ururka hubaysan ee Al-Shabaab ayaa si joogto ah u geysta weeraro sidaan oo kale dhimasho u leh.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*