Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka

Xeer ilaaliyaha cusub Suleymaan Maxamed Maxmuud. [Isha Sawirka: Facebook]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta oo Isniin ah Suleymaan Maxamed Maxamuud u magacaabay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday madaxtooyada.

Magacaabistan ayaa ku timid soojeedintii guddoomiyaha maxkamadda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka, ayaa lagu yiri digreetada.

Xeer ilaaliyaha xilka laga qaaday Axmed Cali Daahir ayaa muddo dhowr sanno ah xilka hayay, waxaana uu hoggaaminayay qareenada Soomaaliya ee difaacida muranka badda ee kala dhaxeeya Kenya oo ay qaadayso maxkamada ICJ.

Xeer ilaaliyaha cusub oo ah nin dhalinyaro ah ayaa la soo shaqeeyay wasaarada cadaalada iyo diinta iyo awqaafta Puntland, sida ay Puntland Mirror u sheegeen ilo-wareedyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*