Madaxweyne Deni oo kala diray golaha deegaanka Qardho iyadoo ay soo fool leedahay doorashada hordhacda ah

Madaxweyne Deni.[Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa kala diray golaha deegaanka degmada Qardo, sida lagu sheegay digreeto ka soo baxday madaxtooyada maanta oo Axad ah.

Waxa uu Maxamed Faarax Cabdiseed u magacaabay guddoomiyaha kumeelgaar ah ee degmada Qardho.

Qardho ayaa kamid ah saddexda degmo oo loo soo xulay in doorashada hordhacda ah ee nidaamka xisbiyada badan ee Puntland laga qabto bisha Oktoobar 2021.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa Cabdi Siciid Cismaan oo ahaa guddoomiyihii golaha deegaanka ee la kala diray u magacaabay duqa gobolka Karkaar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*