Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka degay Gaalkacyo

Soo dhaweynata Madaxweynaha Puntland magaalada Gaalkacyo. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Arbaco ah ka degay magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha oo kasoo noqday shir u dabayaaqadii bishii hore kaga qeybgalay Muqdisho, ayaa waxaa garoonka Gaalkacyo ku soo dhaweeyay masuuliyiinta Puntland ee gobolka Mudug iyo bulshada Gaalkacyo.

Inta uu joogo Gaalkacyo, madaxweynaha ayaa la filayaa in uu xariga ka jari doono mashaariic dhammaatay.

Madaxweyne Deni oo la doortay 2019-kii ayaa intii uu xafiiska joogay wax badan ka qabtay gobolkaas oo ay ugu weyntahay sugida ammaanka iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*