Shiikh Shaakir oo ku dhawaaqay in loo doortay Madaxweyne iyadoo Galmudug ay ku jirto jaahwareer

Shiikh Shaakir. [Sawir Hore]
Dhuusamareeb-(Puntland Mirror) Shiikh Shaakir oo ahaa guddoomiyaha ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ku dhawaaqay in loo doortay Madaxweynaha Galmudug kadib doorasho ka dhacday gurigiisa oo kuyaala magaalada Dhuusamareeb maanta oo Arbaco ah.

Galmudug ayaa ku jirta jaahwareer siyaasadeed iyadoo ay ku hardamayaan dhinacyo kala duwan kuwaasoo ku kala aragti duwan hanaanka doorashada madaxweynaha.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geele ayaa isagu gabi ahaanba ka soo horjeestay hanaanka doorashada, waxaana uu xarun ka samaystay koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Qaar katirsan musharixiinta ayaa qaadacay doorashada, waxayna Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyeen in ay taageerayso musharax, kaasoo katirsanaa golaha xukuumada Xasan Cali Khayre.

Talaadadii, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka waxay  walaac ka muujiyeen arrimaha kasoo cusboonaaday dowlad goboleedka Galmudug ee soo ifbaxay markii lasoo gaaray marxaladdii gabagabada ee dadaalkii bilaha soo socday ee lagu dhisayay Galmudug oo mideysan oo xasilloon loona marayo geedi-socod dib-u-heshiisiin iyo doorashooyin, sida ay ku sheegeen war-saxaafadeed.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhamaan go’aan-sameeyeyaasha inay sii wada shaqeeyaan, si ay khilaafaadkooda ugu xalliyaan wadahadal, hadii loo baahdana ay waqti geliyaan arrinkaas, iyo in ay raacaan hadafka ah in la helo dowlad goboleed Galmudug midaysan oo xasilloon iyo inay ka fogaadaan billaabidda geedi-socodyo kale. Waxaan ku boorinaynaa hoggaanka golaha baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug, musharaxiinta madaxweynaha, Ahlu-sunna Wal-Jamaaca, daneeyayaasha ku kulansan Gaalkacyo iyo wakiilada ka socda Dowladda Federaalka ah ee goob-joogayaasha ka ah geedi-socodka inay isla qaataan hanaan loo wada dhanyahay oo daah-furan.” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*