Tirada COVID-19 u dhimatay Soomaaliya oo gaartay 39 qof

Qof looga shaki qabo in uu COVID-19 u dhintay oo lagu aasayo Muqdisho. [Isha Sawirka: Reuters]
Garoowe-(Puntland Mirror) Xanuunka coronavirus ayaa si aad ah ugu faafayay Soomaaliya asbuucyadii la soo dhaafay, iyadoo maalin walba dalka gudihiisa laga helayo kiisas cusub, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka.

Shalay oo keli ah, 39 kiis oo cusub ayaa laga helay Soomaaliya, 35 kiis ayaa laga xaqiijiyay Muqdisho halka saddexda kale laga helay Somaliland.

Khuburada caafimaadka ayaa sheegtay in xanuunka uu ku faafay dalka oo dhan, balse tirada la diiwaangeliyay ay ka yartahay kuwa aan la diiwaangelin.

Tirada dhimashada ayaa gaartay 39 qof, taasoo ka dhigaysa in Soomaaliya ay ugu badantahay tirada dhimashada COVID-19 ee gobolka Geeska Afrika.

Ilaa iyo hadda kiisaska coronavirus ee la diiwaangeliyay Soomaaliya ayaa gaaray 873, halka 87 qof ay ka bogsadeen, sida lagu sheegay xog ka timid Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*