Raysulwasaaraha Soomaaliya oo codsaday in lala dagaalamo musuqmaasuqa

Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. [Xigashada Sawirka: Radio Mogadishu]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka codsaday dadka Soomaaliyeed in ay meel uga soo wada jeestaan sidii loola dagaalami lahaa musuqmaasuqa si dhaqso ah.

“Waxaan idiin ka codsanayaa in aad musuqmaasuqa meel uga soo wada jeesataan sidii loola dagaalami lahaa, kaasoo musiibo ku ah Soomaaliya.” Ayuu yiri Khayre isaga oo ka hadlayay kulan lagu taageerayay dadka ay abaartu saameysay.

Tan iyo markii loo magacaabay Raysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa munaasabado badan ka balanqaaday in uu dhexda u xiran doono dagaalka ka dhanka ah musuqmaasuqa ka jira dalka gaar ahaan dowladdiisa.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa balanqaaday in uu la dagaalami doono musuqmaasuqa markii uu waday ololaha doorashadiisa.

Soomaaliya ayaa ah dalka ugu musuqmaasuqa badan caalamka, sida lagu sheegay warbixin ay dhawaan daabacday Transparency International.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*