Kaamirooyinka nabadgelyada ee waddooyinka Muqdisho oo la qarxiyay

Muqdisho-(Puntland Mirror) Kaamirooyinka nabadgelyada (CCTV) ee waddooyinka Muqdisho ayaa lala eegtay qaraxyo goor hore maanta oo Khamiis ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ilaa afar kaamiro ayaa lagu burburshay qaraxa, ilo-wareedka ayaa intaas ku daray. Mana jirto cid sheegatay masuuliyada weerarkaas, balse maleeshiyada Al-Shabaab ayaa horey ganacsatada Muqdisho uga digtay isticmaalka kaamirooyinka CCTV.

Haayada sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sanadkii 2019 kaamirooyinka CCTV ka taagtay waddooyinka Muqdisho gaar ahaan Maka Al Mukarama taasoo ay ugu talogashay la socoshada dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab oo falal argagixiso ka fulisa caasimada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*