RW Turkiga oo sheegay in 2,839 xubnood oo askar ah la qabtay kadib afgembigii dhicisoobay

RW Turkiga
Raysulwasaaraha Turkiga Binali Yildirim. Sawirka: gettyimages.

Ilaa iyo 2,839 oo askar ah, oo ay ku jiraan saraakiil sare ayaa la xiray, kadib markii ay isku dayeen afgembi kaasoo hadda soo afjarmay, sida uu sheegay Raysulwasaaraha Turkiga Binali Yildirim.

“Waxay ku ahayd midab madow dimuqraadiyada Turkiga” ayuu yiri RW Turkiga.

Ugu yaraan 161 qof ayaa ku dhimatay halka 1,440 kalena ay ku dhaawacantay intii uu socday iskudayga afgembiga fashilmay.

Lama cadayn karo cida ka dambaysay afgembiga.

Ilaa iyo 2,745 qaadi oo Turki ah ayaa shaqada laga cayrshay, sida ay sheegtay warbaahinta dowlada.

RW Yildirim ayaa sheegay in xaalada ay hadda tahay caadi lana soo afjaray iskudaygii dhicisoobay, wuxuu sheegay in dowlada ay hadda dalka gacanta ku hayso.

Sideed kamid ah saraakiisha militariga oo ku lug lahaa afgembiga ayaa diyaarad ugu cararay dalka Greece, iyagoo halkaas ka raadinaya magangalyo siyaasadeed. Greece wuxuu sheegay inuu tixgelinayo codsiga Turkiga uga yimaada ee ah in dib loogu soo cesho.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*