Isimada Puntland oo ku soo wajahan Garoowe

Isimo. [Sawir Hore]

Garoowe-(Puntland Mirror) Qaar kamid ah isimada dhaqanka Puntland ayaa ku soo wajahan magaalada Garoowe si ay uga qeybqaataan dadaalada xalinta colaadii Garoowe ka dhacday asbuucaan.

Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhintay halka 30 kale ay ku dhaawacmeen kadib dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo ciidan taageersan siyaasiyiin mucaarad ah kuwaasoo ka soo horjeeda in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka, oo ay ku eedeeyeen madaxweyne Siciid Cabdullahi Deni in uu rabo in sameeyo ku darsi sharci daro ah, ama uu ku shubto doorashada madaxweynaha ee 2024.

Isimada ayaa la filayaa in asbuucaan uu Garoowe uga furmo ay uga wada-xaajoonayaan arrintaas iyo habka ay noqon doonto doorashada 2024, sida ilo-wareedyo ka ag dhow arrinta ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Madaxweynaha xilka haya oo la doortay bishii Janaayo 2019 ayaa muddo xileedkiisii waxaa ka harsam muddo lix bilood ah.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*