Afar dagaalyahan oo katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka fuliyay Shabeellaha Hoose

Dagaalyahan katirsan Al-Shabaab. [Xuquuqda Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Afar dagaalyahan oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku ka geystay gudaha Soomaaliya.

Duqeynta ayaa Isniintii ka dhacday deegaanka Awdhiigle ee gobolka Shabeellaha Hoose, sida Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ay bayaan ku sheegeen maanta oo Talaado ah.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in AFRICOM ay ogsoonyihiin eedaymo sheegaya in uu khasaare dad shacab ah kasoo gaaray duqeynta, balse ay baari doonaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*