Madaxweyne Cabdiweli ma waxa uu u baxay safar olole?

Madaxweyne Cabdiweli oo salaamaya dad ku soo dhaweeyay Qardho, November 26, 2017. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wax ka yar 40 beri ayaa ka harsan muddo shan sanno ah oo Cabdiweli Maxamed Cali uu ahaa Madaxweynaha Puntland.

Inkastoo uusan weli si rasmi ah ugu dhawaaqin in uu mar labaad tartamayo, haddana sida ay warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyeen ilo-wareedyo dowladda katirsan waxa uu doonayaa in uu tartamo mar kale.

Isniintii, Madaxweyne Cabdiweli waxa uu safar ugu baxay gobolada Karkaar iyo Bari.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen ujeedka safarkiisa ayaa ah sidii uu deegaanadaas olole uga sameyn lahaa, isaga oo doonaya in uu la kulmo dadka shacabka ah iyo odayaal dhaqameedka oo leh awooda soo xulista xubnaha cusub ee baarlamaanka.

Bilihii u dambeeyay, Madaxweynaha ayaa waday olole balaaran oo uu ku doonayo in uu shan sanno oo kale uu Puntland hoggaamiyo. Waxa uu safaro ku tagay gobolada Sanaag iyo Mudug.

Xubno badan oo xafiiska madaxtooyada katirsan ayaa u ordaya in ay noqdaan xildhibaano taasoo muujineysa rajada Cabdiweli uu ka qabo madaxweynenimada.

Ku dhawaad 20 musharax ayaa ololahooda ka wada gobolada Puntland sida Nugaal, Mudug, Bari, Karkaar iyo Sanaag.

Cabdiweli ayaa lagu eedaynayaa maamul xumo iyo musuqmaasuq balaaran mudadii uu xafiiska joogay.

Gobolada Puntland waxaa ka socota soo xulista xildhibaanada cusub oo ku saleysan hab-qeybsiga qabiilka.

Bisha Janaayo 8-deeda sanadka 2019 ayaa la filayaa in ay dhacdo doorashada madaxweynaha ee dowladda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*