Raysulwasaare Xasan Cali Khayre oo ku amray Wasaaradda Maaliyada in ay bixiso $150,000 oo lagu dhisayo garoonka kubada cagta Garoowe

Garoonka kunada cagta Mire Awaare. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa Wasaaradda Maaliyada Dowladda Federaalka Soomaaliya ku amray in ay sii deyso lacag dhan $150,000 (Boqol iyo Konton Kun oo Dollar) oo loogu talogalay dhismaha garoonka ciyaaraha Mire Awaare ee kuyaala magaalada Garoowe.

Bayaan ku taariikheysnaa 11/12/2018 oo uu saxiixay Xasan Cali Khayre ayaa lagu sheegay in kharashka laga bixinayo xisaabta barnaamijka Surge Support oo Midowga Yurub ay Dowladda Federaalka ka caawiso.

Raysulwasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo dabayaaqadii bishii July ee sanadkan 2018 safar ku yimid magaalada Garoowe ayaa balanqaaday in Dowladda Dhexe ay bixin doonto dhismaha garoonka ciyaaraha Mire Awaare.

Qoraal uu boggiisa Facebooka maanta oo Arbaco ah soo dhiggay duqa degmada Garoowe Axmed Siciid Muuse oo loo yaqaan Axmed Bare waxa uu u mahadceshay raysulwsaraaha in uu balanqaadkaas ka dhabbeeyay.

“Annigoo ku hadlaya afka dadweynaha Garoowe, waxaan mahad iyo qadarin u celinayaa Raysal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka dhabeeyey ballantii uu u qaaday dhallinyarada Isboortiga iyo dadweynaha Garoowe,” ayuu yiri Axmed Bare.

Garoonka Mire Awaare oo la dhisay xilligii dowladii madaxweyne Maxamed Siyaad Bare ayaan helin dayactir fiican.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*