Ugu yaraan afar qof oo ku geeriyootay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan afar qof oo ku geeriyootay qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar qof ayaa ku geeriyootay qarax ka dhacay Muqdisho maanta oo Axad ah, sida ilo-wareedyo katirsan haayadaha ammnaaka iyo caafimaadka ay sheegeen.

Gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa ku qarxay meel u dhow xarunta baarlamaanka Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha gudaha oo kuyaala  Muqdisho, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxa maanta oo Axad ah, sida ay tabiyeen warbaahinta ku hadasha afka ururka.

Asbuucii lasoo dhaafay, qarax gaari ayaa 18 qof ku dilay Muqdisho, waxaana masuuliyadiisa sheegtay Al-Shabaab.

Inkastoo Mareykanku uu kordhiyay duqeymihiisa ka dhanka ah Al-Shabaab, ayna dowladda Soomaaliya adkeysay ammaanka caasimada, ururka argagixisada ah ayaa weli awood u leh in uu qaado weeraro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*