Maxkamada ciidamada Puntland ee gobolka Mudug oo afar xubnood oo katirsan Al-Shabaab ku xukuntay toogasho

Xubnaha la xukumay. [Isha Sawirka: Facebook]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Maxkamada ciidamada Puntland ee gobolka Mudug ayaa afar xubnood oo katirsan maleeshiyada Al-Shabaab ku xukuntay dil toogasho ah kuwaasoo lagu helay in ay door ku lahaayeen dilal khaarajin ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Maxkamada ayaa sidoo kale saddex xubnood oo kale ku riday xabsi, sida ay sheegeen saraakiisha maxkamada.

Puntland ayaa bishii June 2021 dil toogasho ah ku fulisay 21 xubnood oo Al-Shabaab ah kuwaasoo lagu helay dilal ka dhacay Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*