Puntland oo maraakiib ajnabi ah ku eedaysay in ay kallmuumaysi sharci daro ah ka wadaan biyaheeda

Wasiirka kalluumaysiga Puntland Faarax Cawaash Beeldaaje. [Sawir Hore]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Puntland ayaa maraakiib ajnabi ah ku eedaysay in ay kalluumaysi sharci daro ah ka wadaan biyaheeda.

Shir jaraadid oo uu ku qabtay magaalada Boosaaso maanta oo Talaado ah wasiirka kalluumaysiga Faarax Cawaash Beeldaaje ayaa sheegay in ay jiraan maraakiib laga leeyahay wadamada Iran, Hindiya iyo Baakistaan oo kalluumaysi sharci daro ka wada biyaha Puntland.

“Ilaa 18 markab oo laga leeyahay wadamada Iran, Baakistaan iyo Hindiya in ay ku soo xadgudbeen biyaheena badda ilaa bartamihii bishii September,” ayuu yiri wasiirku.

“Maraakiibtan markii hore waxa ay joogeen badweynta dhinaca Yeman laakiin hadba waa ay soo durgayeen dhaqdhaqaaqooda baanu la soconay waxaana haynaa magacyadooda.” Ayuu ku sii daray.

Faraax Cawaash ayaa sheegay in ay soo qaban doonaan dhammaan maraakiibtan kaluumaysiga sharciga darada ah ka wada badda Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*