Ugu yaraan 10 qof oo ku dhimatay qarax ay Al-Shabaab ka geysaty Muqdisho

Ciidamo Soomaali ah oo daawanaya gaari uu qaraxu burburshay Muqdisho maanta oo Sabti ah, July, 7, 2018. [Xigashada Sawirka: AP]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 10 qof ayaa lagu dilay qarax ka dhacay Muqdisho maanta oo Sabti ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyo katirsan ammaanka iyo caafimaadka.

Gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa ayaa lagu qarxiyay ganjeelada xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, waxaana daba socday rasaas.

Ciidamada ammaanka ayaa dilay saddex kamid ah kuwii weerarka soo qaaday intii dagaalka u dhaxeeya labada dhinac uu ka socday xarunta.

Dad shacab ah iyo shaqaale dowladeed ayaa kamid ah kuwa lagu dilay weerarka, masuuliyiin katirsan caafimaadka ayaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

In ka badan 15 qof oo kale ayaa ku dhaawacantay weerarkii maanta oo Sabti ah, kaasoo ahaa kii ugu dhimashada badnaa Muqdisho saddexdii bilood ee lasoo dhaafay.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka, sida ay sheegeen warbaahinta taageerta Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*