Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ka hadlay wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Khaatumo iyo hadalo ka soo yeeray Cali Khaliif Galayr

 Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cumar Camay. [Xuquuqda Sawirka: Puntland Mirror]
Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cumar Camay. [Xuquuqda Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cumar Camay ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay idaacada maxaliga ah ee Radio daljir oo kutaala gudaha Puntland kaga hadlay wadahadalada u dhaxeeya Khaatumo iyo Somaliland iyo sidoo kale hadalo eedayn ah oo kasoo yeeray hoggaamiyaha Khaatumo Cali Khaliif Galayr.

“Waxaa nasiib daro ah xalay in aan rag waa-weyn oo TV-ka ka hadlayay oo meelahaa Jabuuti iyo ka hadlayay aan TV-ka ka maqlayay iyagoo leh “carqalad waxaa nagu haya Puntland haddaanu nahay anaga iyo Somaliland waa u midoobaynaa” yacni waxaan rabaa in aan xasuusiyo dadyowga sheegta reer Khaatumo had iyo jeer Khaatumo bay yiraahdaan, horena waan u iri iminkana waan leeyahay, horaan waxaan u iri Khaatumo xun iyo Khaatumo wanaagsan bay leeyihiin, kuwii aan markaa sheegayay ee Khaatumada xun in ay banka isa soo dhiggaan Ilaahay baan horta uga mahadcelinayaa,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

“Markii ugu horeysay ee ay bilaabeen in aan niri waryaaya timir laf baa ku jirtee ha la iska ilaaliyo war hala fahmo, in ay Badda isa soo dhiggeen baa Ilaahay mahadiis ah,” ayuu ku daray.

Camay ayaa sheegay in Khaatumada wanaagsan iyo Puntland ay isku mid ka yihiin sidii loo xoreyn lahaa gobolada ay haysato maamulka Somaliland.

“Intii wanaagsanayd waxa weeye isku fakar baan ka nahay waa u midaysanahay in dhulkii la raadiyo baan u midaysanahay Insha’alaah dhaqso waan u gaari doonaa,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka.

“Qoladaan qaylinaysana awr un baa lagu kacsanayaaye jaranjaraa lagu korayaa wax allaale iyo wax isbadal ah oo meesha u imaanaya oo u soo socda ma jiraan dadku waa is yaqaanaa shakh shakhsi, Siilaanyo dee Cali Khaliif waa yaqaanaa marka nin ku yaqaan waxay ila tahay been uma sheegi kartid.” Ayuu ku daray Mr Camay.

Camay oo la weydiiyay siyaasadda dowladiisa uga degsan wadahadalada u dhaxeeya Somaliland iyo Khaatumo waxa uu ku jawaabay: “Anaga wax siyaasad ah habayaraatee nooga degsan ma jirto”.

Sidoo kale waxaa la weydiiyay madaxweyne ku xigeenka Puntland in Cali Khaliif Galayr uu sheegayo in uu matalayo dadka gobolada Sool iyo Sanaag iyo Cayn.

“Wax allaale iyo waxa uu matalayo ma jirto… waxaad ka war haysaa waxay ahayd 10 cisho kahor markii uu damcay in uu ka dhoofo meesha la yiraahdo Buuhoodle ee uu ku eedeynayay ciidamada Puntland in ay u diideen in ay dhoofaan. Hadduu dad haysto “Riyo hadday dib leeyihiin dabadooda bay ku qarsan lahaayeen” baa la yiri marka Cali Khaliif hadduu dad haysto taageerayaal ah dee waa la arki lahaa,” ayuu yiri Camay.

“Isagoo kaligii ah buu gaari Nooho ah Buuhoodle ka raacay. Meeday dadka uu haysto.” Ayuu ku daray.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ugu dambayn sheegay in Puntland dhul ay leedahay ay Somaliland joogto ayna ku soo celin doonaan sidii walba oo macquul ah.

“Puntland dhul ay leedahay baa la joogaa Somaliland baa joogta, dastuurka Puntland bay ku qorantahay cid walba waa ogtahay,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Puntland.

“Inta taago Puntland dhul ah oo Puntland leedahay maqantahay wadahadal baanu ku dayaynaa walaaltinimo baan ku dayaynaa aakhirkana wixii laga maarmi waayo yaanu ku dayaynaa.” Ayuu ku daray.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*