Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo loo dhaarshay xubinimada baarlamaanka

Xasan
Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta oo Sabti loo dhaarshay xubinimada baarlamaanka dalka.

Xasan Shiikh lama dooran balse dastuurka ayaa u ogolaanaya in uu kamid noqdo xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Qodobka 64-aad ee datuurka federaalka Soomaaliya farqadiisa  4-aad ayaa tilmaamaya in qof walba oo noqda madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya uu noqon doono xubin kamid ah baarlamaanka Soomaaliya kadib marka uu ka tago xafiiska madaxweynenimada.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tartankii doorashadii madaxweynaha Soomaaliya ee dhacday 8-dii bishii lasoo dhaafay ee Febaraayo, waxaa kaga adkaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*