Xasan Shiikh oo ugu hambalyeeyay dowlad goboleedyada doorashada xubnaha aqalka sare

Xasan
Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hambalyo u diray maamul goboleedyada sida Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland sida ay u soo doorteen xubnaha u matalaya aqalka saree e dowlada federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada Villa Soomaaliya.

“Waxaan marka hore ugu hambalyeynayaa xildhibaanada baarlamaanada dowlad goboleedyada, Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug doorashooyinkii ay ku doorteen xubnihii u matalayey aqalka sare ee Jamhuuriyada Soomaaliya. Sidoo kale waxaa ammaan iyo mahad celin naga mudan Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo wadatashi ka dib u gudbiyey baarlamaanada xubnihii u tartamayey inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee dalka. ee matali lahaa dowlad goboleed walba” ayuu bayaan ku yiri Xasan Shiikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale soo dhaweeyay qoondada ay haweenka ka heleen xubnaha aqalka sare ee dalka.

“Waa taariikh cusub oo Soomaaliya u bilaabatay. Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horey u go’aamiyey in ugu yaraan 30% xubnaha labada Aqal ay noqdaan dumar, sidaas daraadeed, waan soo dhoweynayaa sida dimoqraadiyada ah oo ay baarlamaanada dowlad gobolleedyada u soo xusheen dumarka ka mid noqday xubnaha Aqalka Sare” ayuu yiri Madaxweynaha.

Ugu dambayna Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay door muhiim ah ka qaataan doorashada 2016-ka.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*