Miinada wadada dhinaceeda lagu aaso oo ugu yaraan saddex askari oo katirsan dowladda Soomaaliya ku dishay gobolka Shabeellaha Hoose

Miinada wadada dhinaceeda lagu aaso oo ugu yaraan saddex askari oo katirsan dowladda Soomaaliya ku dishay gobolka Shabeellaha Hoose. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Miinada wadada dhinaceeda lagu aaso ayaa dishay ugu yaraan saddex askari oo katirsan dowladda Soomaaliya intii lagu guda jiray howlgal ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab oo maanta oo Isniin ah ka dhacay duleedka magaala Shalanbood ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Wakaalada wararka Reuters ayaa soo xigatay sarkaaal katirsan milatariga Soomaaliya oo sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen saddex askari afar kalena ay ku dhawacmeen.

Ururka hubaysan ee al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarka, sida uu sheegay afhayeenka howlgalada miltariga Al-Shabaab Shiikh Cabdicasiis Abu Muscab, oo ay soo xigatay Wakaalada wararka Reuters.

Weerarka ayaa yimid wax yar kahor safarka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee magaalada Afgooye oo kutaala gobolka Shabeellaha Hoose.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*