Madxweynaha Dowladda Puntland oo Muqdisho kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare

Madaxweyne Deni oo Muqdisho kula kulmay guddoomiyaha Aqalka Sare. [Isha Sawirka: Puntland State House]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Isniin ah magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland, ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay guud ahaan xaaladda uu dalku marayo.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa Madaxweynaha Puntland ku boggaadiyay doorka uu ka qaatay in heshiis laga gaaro hanaanka doorashada soo socota, war-saxaafadeedka ayaa intaas ku daray.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay labada guddoomiye ku xigeen ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mowliid Xuseen Guhaad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*