Madaxweyne Cabdiweli oo Garoowe kusoo laabtay xilli mudadiisii xafiiska ay sii dhammaanayso

 

Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhaweeyay Garoowe, December 27, 2018. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Khamiis ah Garoowe dib ugu soo laabtay kadib muddo dhowr asbuuc ah oo uu safar ugu maqnaa dalka Kenya.

Dad shacab ah iyo masuuliyiin katirsan xukuumada ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha.

“Waxaan safar shaqo oo mudo 5 bari ah ugu maqnaa magaalada Nairobi ee caasimada Kenya, gudoonka baarlamaanka iyo maamulka gobolka, kan dagmada iyo shacabka garoowe aad bay ugu mahadsanyihiin soo dhowyenta balaadhan ay noo sameeyeen, waan ku faraxsanahay inaan ku soo laabto dalkii oo nabad ah, insha allah hawshu hasocoto waxaan gaari doonaa 8 Janury guul iyo xasilooni iyo dalka oo doorsho xaalaal ah ka dhacdo insha alah wan guulaysanynaa.” ayuu yiri Cabdiweli Maxamed Cali.

Doorashada

Doorashada madaxweynaha Puntland ayaa dhici doonta 8-da bisha soo socota ee Janaayo 2019, sida qorshuhu yahay.

Madaxweyne Cabdiweli oo muddo shan sanno ah xafiiska joogay ayaa dhawaan ku dhawaaqay in uu markale u tartamayo xilka.

Ku dhawaad 30 musharax oo ay ku jiraan masuuliyiin hore iyo xubno siyaasadda ku cusub ayaa loolan ugu jira madaxweynenimada Puntland, oo ah dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee Soomaaliya oo la asaasay sanadkii 1998.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*