PUNSAA oo walaac ka muujisay amar kasoo baxay Wasaaradda Amniga Puntland oo mamnuucaya in la qabto shirar siyaasadeed

Sawirka: Guddoomiyaha PUNSAA Faysal Axmed Warsame oo loo yaqaan Faysal Qaran.

Garoowe-(Puntland Mirror) Dallada Daneeyaasha aan Dowliga ahayn ee Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa waxay walaac ka muujisay waraaq dhawaan kasoo baxay Wasaaradda Amniga oo ujeedadu ahayd in aan la qaban karin wax shir siyaasadeed ah, sida ay bayaan ku sheegtay.

“Dowladda waa in aanay hot isaatgin shirarka siyaasadeed ee ku saabsan masiirka dalka yo dadka,” ayaa lagu yiri bayaanka.

“Dowladdu waa in ay tixgeliso xoriyadda fikirka sida uu qorayo qodobka 14-aad ee daasturka dowladda.” Ayaa lagu sii daray.

Asbuucii lasoo dhaafay, Wasaaradda Amniga Puntland ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo in shirar dowladda lid ku ah lagu qaban karin gudaha magaalooyinka Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*