Maxamed Cabdi Waare oo ku guuleystay madaxweynaha Hir-Shabelle

Madaxweynaha cusub ee Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare. [Sawirka: Twitter]
Jowhar-(Puntland Mirror) Maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabelle ayaa maanta oo Sabti ah doortay madaxweyne cusub kadib markii baarlamaanka uu eryay madaxweynihii hore bishii lasoo dhaafay.

Hoggaamiyaha cusub waa Maxamed Cabdi Waare, oo ah siyaasi khabiir ah kaasoo lasoo shaqeeyay dowladdii Siyaad Bare.

Waare ayaa 74 cod helay halka ninkii la loolamayay Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod intii lagu guda jiray wareega labaad ee cod bixinta taasoo ka dhacday magaalada Jowhar, guddoomiyaha baarlamaanka Hir-Shabelle Shiikh Cusmaan Baare ayaa ku dhawaaqay. 

Tartamihii laga adkaaday Daahir Cabdule Cawaale ayaa aqbalay natiijada waxaana uu u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub.

Madaxweynaha cusub ayaa loo dhaariyay xafiiska si dhaqso kadib natiijadda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciiid ayaa ka qeybgalay doorashada sii uu u kormeero hanaanka cod bixinta. 

Khilaafka siyaasadeed ee ka jira gobolka

Horaantii bishaan, madaxweynihii la eryay ee Hir-Shabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa iclaamiyay in uu yahay madaxweynaha cusub waxa uu ugu yeeray “Hiiraan-land”, isaga oo taageero ka helaya odayaashiisa dhaqanka ee ku sugan magaalada Beledweyne, halkaas oo uu kasoo jeedo.

Khilaafka siyaasadeed ee ka jira gobolka ayaa kamid ah caqabadaha waa-weyn kaasoo uu wajahayo Madaxweynaha cusub.

Madaxweynaha cusub ayaa la filayaa in uu soo dhiso gole wasiiro ah oo cusub.

Maamul goboleedka Hir-Shabelle waxaa la asaasay 2016, qayb ahaan si ay uga mid noqdaan maamul goboleedyada dalka ka jira.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*