Ugu yaraan saddex ilaalo ah oo ku dhimatay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday kantaroolka Kalabayr ee gobolka Hiiraan

Sawirka: Maleeshiyada Al-Shabaab.

Beledweyne-(Puntland Mirror) Dagaalyahano katirsan ururka Al-Shabaab ayaa maanta oo Axad ah weerar ku qaaday kantaroolka Kalabayr ee gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

A-Shabaab ayaa weerarkaas ku dishay ilaa saddex kamid ahaa ilaalada kantaroolka, sida ay ilo-wareedku sheegeen.

kantaroolka Kalabayr, waxuu uu qiyaas ahaan dhowr iyo labaatan dhanka waqooyiga ka xigaa magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Kantaroolka ayaa ah mid muhiim ah, oo ay maraan gaadiidka isku xira deegaanada koonfurta iyo waqooyiga Soomaaliya.

Sida ay wararku sheegayaan, Al-Shabaab ayaa isaga baxday halkaas kadib wakhti yar oo ay haysatay.

Al-Shabaab ayaa laga saaray inta badan magaalooyinka waa-weyn ee koonfurta Soomaaliya balse maleeshiyadu weli waxay ku suganyihiin deegaanada miyiga ah iyaga oo qaada weeraro khasaare leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*