Wasiirka Maaliyada Soomaaliya oo sheegay in dalku uu ku guuleysanayo kalsoonida haayadaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo cafiska deynta

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Cabdirixamaan Ducaale Beyle. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Maaliyada Soomaaliya ayaa sheegay in dalku uu ku guuleysanayo dadaalkiisa ah inuu helo kalsoonida haayadaha maaliyadeed ee caalamiga ah isla markaana laga cafiyo deynta horaanta sanadka soo socda.

Cabdirixamaan Ducaale Beyle, oo ka qeybgalay kulanka guga ee Haayada Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ee asbuucii lasoo dhaafay ka dhacay magaalada Washington, ayaa sheegay in Soomaaliya ay meelmarisay qodobka kalsoonida ee amaahiyaasha kadib wadaxaajoodyo.

“IMF waxay gudbiyeen qiimeyntooda, waxayna sheegeen in Soomaaliya ay guul ka gaartay,” ayuu yiri Wasiir Beyle, isaga oo ku sii daray in Soomaaliya lagu kalsoonaan karo, “Soomaaliya waa ay soo noqotay. Soomaaliya waa in la taageero si ay ugu dhaqaaqdo iska nadiifinta deymaha wakhti kamid ah sanadka soo socda.”

Soomaaliya ayaa lagu qiyaasayaa in $5.5 bilyan ay ku leeyihiin amaahiyaasha caalamiga ah, sida Paris Club iyo haayado kale oo maaliyadeed oo caalami ah. Beyle wuxuu sheegay in kooxahaani ay ka shaqeynayaan in ay arkaan Soomaaliya oo laga saaray deymiskooda sanadka soo socda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*