Waqooyiga Kuuriya oo Mareykanka ku eedaysay iclaamin dagaal

Wasiirka Arrimaha Dibada Waqooyika Kuuriya Ri Yong-ho. [Xigashada Sawirka: Reuters]
New York-(Puntland Mirror) Waqooyiga Kuuriya ayaa ku eedaysay Mareykanka in uu wado dagaal ka dhan ah iyaga.

Wasiirka Arrimaha Dibada Waqooyika Kuuriya Ri Yong-ho ayaa shalay oo Isniin ahayd warbaahinta u sheegay in adduunka oo dhan uu xasuusto in ay tahay Mareykanka cida iclaamisay dagaalka ka dhanka ah dalkooda.

Ri Yong-ho ayaa sheegay in dalkiisu uu xaq u leeyahay in uu soo rido diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka xitaa haddii aysan ku jirin hawada Waqooyiga Kuuriya.

Hadalkiisa ayaa imaanaya lamo maalmood kadib markii diyaaradaha dagaalka Mareykana ay dul mareen xeebaha Waqooyiga Kuuriya iyaga oo muujinaya dhoolatus. 

Maahan markii kowaad oo Waqooyiga Kuuriya iyo Mareykanku ay warbaahinta isku mariyaan eedaymo iyo hanjabaado u dhaxeeya iyaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*