Madaxweynaha dowladda Puntland oo ka tacsiyeeyay geerida Cade

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Archive]
Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore ee Puntland Maxamuud Muuse Xirsi oo loo yaqaan (Cade).

Waraaq tacsiyeed kasoo baxday madaxtooyada shalay oo Arbaco ahayd, ayaa Cabdiweli ku sheegay in aad uga naxay geerida Cade.

Madaxweynaha Puntland ayaa uga tacsiyeeyay qaraabadii, qoyskii iyo dhammaan dadka reer Puntland geerida hoggaamiyihii hore.

Cabdiweli ayaa ku tilmaamay madaxweynihii hore halyeey ka baxay dadka reer Puntland.

Maxamuud Muuse Xirsi ayaa ku geeriyooday dalka Isutaga Imaaraatka Carabta shalay galab oo Arbaco ahayd.

8-dii Janaayo, 2005-dii ilaa iyo 8-dii Janaayo, 2009-kii, waxa uu soo noqday madaxweynaha Puntland.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*