Dhowr qof oo rakaab ah oo ku dhaawacmay diyaarad ku burburtay garoonka diyaaradaha magaalada Wau ee Koonfurta Suudaan

Dhowr qof oo rakaab ah oo ku dhaawacmay diyaarad ku burburtay garoonka diyaaradaha magaalada Wau ee Koonfurta Soomaaliya. [Sawirka: Twiiter]
Dhowr qof oo rakaab ah oo ku dhaawacmay diyaarad ku burburtay garoonka diyaaradaha magaalada Wau ee Koonfurta Soomaaliya. [Sawirka: Twiiter]
Juba-(Puntland Mirror) Diyaarad ay leedahay shirkada diyaaradaha Koonfurta Suudaan ayaa burburtay iyadoo ku degaysay garoon kuyaala magaalada waqooyiga-galbeed ee Koonfurta Suudaan kutaala ee Wau maanta oo Isniin ah, waxaana ku dhawaacmay dhowr rakaab ah, sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters.

“Ma jirto cid ku dhimatay balse waxaa jira dad badan oo dhaawac ah ilaa iyo hadda,” sidaa waxaa Reuters u sheegay mid kamid ah shaqaalaha gargaarka oo ka ag dhawaa goobta.

Afartan iyo afar qof ayaa saarnaa diyaaradda oo ay leedahay South Supreme Airlines.

“Qiyaastii 17 ilaa 18 dad ah oo ku dhaawacmay shilka ayaa loo qaaday isbitaalka,” sidaa waxaa Reuters u sheegay James Dimo Deng oo ah wariye ku sugan magaalada Wau.

Saraakiisha Koonfurta Suudaan wali si dhaqso ah oo faahfaahsan ugama aysan hadlin shilka.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*