Masuulkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Muqdisho oo lagu dilay duqayn diyaaradaha Mareykanka ay qaadeen

Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaan “Cali Jabal”. [Xigashada Sawirka: Twitter/hamzaafrica]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Masuulkii maleeshiyada Al-Shabaab u qabilsanaa magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay duqayn diyaaradaha Mareykanka ay qaadeen, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Duqaynta ayaa ka dhacday meel u dhow deegaanka Tooratoorow Sabtidii, waxaana lagu bartilmaameedsaday Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaan (Cali Jabal) oo Al-Shabaab masuul uga ahaa Muqdisho, sida ay bayaan ku sheegtay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.

Bayaanka ayaa Wasaaradda Warfaafinta ku sheegtay in Cali Jabal uu masuul ka ahaa qorshaynta qaraxyo badan iyo dilal khaarajin ah oo ka dhacay gudaha Muqdisho.

Maleeshiyada Al-Shabaab weli kama aysan hadlin dilka la sheegay in loo geystay Cali Jabal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*