RW Ciraaq Haydar Al-abadi oo kula taliyay ISIS in ay isa-soo-dhiibaan

Raysulwasaaraha dalka Ciraaq Haydar Al-abadi. [Sawirka:AP]
Raysulwasaaraha dalka Ciraaq Haydar Al-abadi. [Sawirka:AP]
Baqdaad-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dalka Ciraaq Haydar Al-abadi ayaa kula taliyay kooxda Dowlada Islaamiga ah sidoo kale loo yaqaan ISIS in ay isku soo dhiibaan ciidamada dowladda oo ku sii siqaya magaalada ay ku xooganayaaeen kooxda ISIS dalka Ciraaq ee Mowsil.

Haydar Al-abadi oo taleefishinka dowladda kasoo muuqday ayaa yiri: “Ma haystaan doorasho aan ka ahayn in ay isa soo dhiibaan ama in ay dhintaan.”

Ciidamada dowlada Ciraaq ayaa hadda qiyaastii hal kiiloomitir u jira duleedka cirifka bari ee magaalada Mowsil waxayna isku diyaarinayaan in ay galaan.

Cutubyo kale oo ciidamo ah ayaa dhanka koonfurta kaga soo siqaya magaalada Mowsil.

RW Al-abadi ayaa yiri: “Waxaan ku dhownahay dhammaan fariisimihii ISIS ilaahay idankiisna waxaanu maska ka jari doonaa madaxa. Wado kale ma haystaan mana jirto wado furan oo ah in ay baxsadaan.”

Mr Al-abadi ayaa ah sidoo kale taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee Ciraaq.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*